Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Mareyanka oo lagu eedeeyey inuu Ethiiopia awood u siiyey in ciidamadeeda ay ku hayso Soomaaliya
Sat. September 08, 2007 11:45 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Xubnaha mucaaradka Soomaliyed ee shirka uga socda dalka Eritrea, ayaa maanta ku eedeyey dowlada Mareykanka in ay u ogolaatay Ethiopia in ay ciidamada ku hayso dalkooda.

Afhayeenka shirka mucaaradka ee Eritrea Zakariya Maxamuud Cabdi ayaa sheegay in wafuuda ay muujiyee walaaca ay ka qabaan beesha caalamka gaar ahaan Mareykanka sida uu uga aamusan yahay haysashada Ethiopia ee Soomaaliya.

Afhayeenka waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan rabshado ku sii xoogeesanaya magaalada Muqdishu, isagoo si kooban ula hadlayey war fadiyeenka, waxa uuna saadaaliyey in dagaal loo dhan yahay oo ka dhici doona gudaha dalka Soomaaliya.

Mr. Zakariye waxa uu sheegay in agagixiso aanay ka jirin Soomaaliya, laakiin siyaasado qaldan oo ay qabaan reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka ay abuuri doonto fowdo keeni karta dhibaatooyin iyo khilaafaadyo ka dhaca gobolka.

Waxa uu yiri “shirka waxa uu ugu baaqayaa beesha caalamka inay saxaan siyaasadooda Soomaaliya.

Afhayeenka waxa kale oo uu sheegay ay been tahay eedeymaha reer galbeedka ee ah in xubnaha ka soo horjeeda dowlada ay yihiin argagixiso.

Shirka Asmara oo al filayo inuu socda ilaa todobaadka dambe ayaa kooxaha mucaaradka waxa ay doonayaan inay ku soo dhisaan urur ideysan oo ku cadaadiya Ethiopia ay ciidamadeeda ka la baxdo Soomaaliya.



News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


133

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(86) NORTH AMERICA(46) EUROPE(1)
:::133 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,797,628 posts, 125,290 topics and 77,606 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.